Waxgaradka Tuulada Buulo waraay ee Duleedka Magaalada Jowhar oo Ka Hadlay Saameynta Fatahaadaha Wabiga.

0
218

Buulo Waraay waxa ay Hoos timaada  Magaalada Jowhar Ee Caasimadda Hirshabeelle waxaana Saameyn Xoog leh ku yeeshay Fatahaada Webiga Shabeelle kaa oo Sababay in dadka ay ka Barakacaan Guryahooda Halka  Qaar ka Kalana Ay Awoodi waayeen iney Ka Baxsadaan Biyaha Oo ay Halkaasi Ku Go’doonsanyihiin.

Guudomiyaha Tuulada Buulo waraay Ooyaaye Jeeloow Jimcaale oo Wareysi siiyay Idaacada Isnaay ayaa ka hadlay xaalada Tuulada waxana uu  xusay in Biyaha Webiga Shabeelle ay Cagta Mariyeen in ka badan kun Hektar oo ku Beernaa Dalagyada kala Duwan.

Sidookale  Gudoomiyaha ayaa Maamulka Gobolka kan Hirshabelle Iyo Hay’adaha waxa uu ka Codsaday in  Gar gaar Bani aadannimo lagaarsiiyo Dadka ku nool Buula  Waraay.

Warbixintaan waxaa inoo Soo Jeedinayo:– Cabdi Wali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here