Xaflad ay ku Qalin jabinayeen Arday Baratay Mihnada Saxaafadda iyo Computerka oo lagu Qabtay Magaalada Jowhar.

0
192

Magaalada Jowhar Ee Caasimada Hirshabelle ayaa waxaa lagu qabtay Xaflad ay ku Qalin jibinayeen arday dhameysatay xirfado isugu jira Computerka iyo Mihnada Saxaafadda.

Machadka Waxbarashada Ee Rajo Educational waa halka ay ka soo aflaxeen Ardayda Qalinjibisay Xafladdana waxaa goobjoog ka ahaa Maamulka Machadka, Masuulyiin ka socotay Jaamacadaha ku yaala Magaalada Jowhar, Macalimiin wax ka dhigta Dugsiyada Sare, Bahda Saxaafadda, Arday, Waalidiin iyo Marti sharaf kale.

Inta ay socotay Xaflada waxaa lagu soo bandhigay Ruwaayado iyo Maansooyin ka Turjumaya Qiimaha uu leeyahay Macallinka iyo Waxbarashada.

Warbixintaan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here