Munaasabada 1da Luuliyo oo Xalay Si Weyn Looga Xusay Magaallada Jowhar Ee Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

0
287

Munaasabbad Ballaaran oo Lagu Maamuusayey 60-Sano Guuradii Ka Soo Wareegatay Markii Gobollada Koonfureed Ee Dalka Ay Xornimada Ka Qaateen Gumeystihii Taliyaaniga iyo Midowga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur Ayaa Habeenkii Xalay ahaa Waxaa Lagu Qabtay Xarunta Degmada  Jowhar ee Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabelle

Munaasabadda Waxaa Ka Qeybgalay Ururka Haweynka Ururka Dhalinyarada Masuuliyiinta Heer Degmo, Heer Gobol iyo Sidoo Kale Wasiiro, Xildhibaano iyo Gudoomiye Ku Xigeenka labaad Ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Ahne Ku Simaha Gudoomiyahaa Baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise iyo Marti sharaf kale.

Munaasabbada Ayaa Looga Sheekeeyay Halgankii Loo Soo Maray in La Hello Xorriyadda Maanta Lagu Naaloonayo, iyo Sidoo Kale Qiimaha ay Leedahay Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Warbixintaan Waxaa inoo soo Jeedinaaya:- Cabdi wali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here