Dowladaha Masar, Suudaan iyo Ithoobiya oo Xal ka gaaray Biyo Xireenka Itoobiya ay Kasameeyneeysay Gudaha Wabiga Niil.

0
245

Hogaamiyaasha Sudan,  Ethiopia iyo Masar ayaa isku raacay in Ethiopia aysan bilaabi doonin buuxinta biyo xireenka ay ka dhistay wabiga Nile iyadoo aan heshiis laga  gaarin muddo labo toddobaad gudahood ah,  sidaasina waxaa Shalayto oo Jimco aheyd shaaciyey dalalka Sudan iyo Masar Biya xireenkan ayaa laga dhisayaa wabiga Nile ee buluugga ah

Madaxtooyada Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ethiopia aysan si iskeed ah u buuxin doonin biyo xireenkan, waxaana warkan uu yimid ka gadaal markii hogaamiyaasha sedexdan dal iyo Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa, oo ah gudoomiyaha Midowga Afrika ee waqtigan ay yeesheen shir dhexmaray oo u dhacay qaab muuqaal ah.

Ra’isal wasaaraha Sudan, Abdalla Hamdok, ayaa sheegay in hogaamiyaashu ay isla garteen in dib loo bilaabo wadahadalladii hakaday isbuucii hore, sida ay wakaalada wararka ee Sudan ku warameyso.

Wakaaladda ayaa intaa ku dartay in wadahadallo u dhexeeya guddiyo farsamo ay dib u bilaaban doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here