Maxamed cabdiraxmaan xuseen iyo walaashiis xanaan Cabdiraxmaan Xuseen waxay dib ugu soo laabteen sadex sano kahor Dalka gaar ahaan Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Maamulka Hirshabeelle waxa ay degan yihiin xaafadda Horseed ee Magaalada waxayna waxbarasho ka bilaabeen mid ka mid ah iskuulada jowhar iyagoo ku faraxsan inay yimaadeen meel Nabad ah oo aysan ka jirin wax dhibaato ah kana badalan wixii ay ka filayeen ee looga sheegi jiray Dalka.
Maxamed hadda wuxuu dhigtaa dugsiga sare laakin waxa caqabad ku noqotay Lacagihii Waxbarashada Waxaana uu sheegay in sadexdii bilood ee uu xirnaa Iskuulka lagarabo lacagihii Waxbarashada kadib Markii cudurka safmarka ee covid-19 loo xiray Dugsiyada Dalka 19-kii bishii Maarso ee Sanadkaan.
Warbixintaan waxaa inoo soo jeedineeysa:- Maryama Sheikh Cabdi.