Wasaaradda Caafimaadka Dalka oo Shaacisay Kiisaska Maalinlaha ah ee Xanuunka Covid-19

0
284

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona  ka bogsoodeen 45 qof oo cusub  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 622.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 39 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Gobolka Benaadir 14, Puntland 12, Somaliland 8, Jubbaland 3 iyo Koonfur Galbeed 2 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,642 Bukaannada cusub 25 kamid ah waa rag, 14-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin bukaan u geeriyooday COVID-19 waxaana tirada guud ee dadka u dhintay cudurka dalka oo idil waxa ay gaareysaa 88 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here