Qaarka mid ah Dhalinyaradda  kasoo jeeda Degmada Cadalle oo isku xilqaamay inay ka Hirgeliyaan Degmadaasi  isbitaalka hooyada iyo dhalaanka.

0
177

Xaruntaan Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ah  ayaa ah goob gaar loo leeyahay oo ka furan Degmada Cadale waxaa ka howl gala 2 dhaqtar 4 kalkaaliye caafimaad iyo hal umuliso  Taasi oo fududeeysay  inaay   ka baaqsadaan dadkii  muqdisho isbitaal u aadi jiray.

DR  Yaasiin Maxamed Xuseen  ayaa Sheegay  inay ka dhiman yihiin waxyaabo badan oo isbitaalka u baahan yahay waxeyna ka codsadeen Wasaaradaha Caafimaadka Hirshabeelle iyo dowlada dhexe inaay ka caawiyaan dhalinyaradan mudo hal sano ah laga joogo isku xilqaamaay baahiyaha Aasaasiga ah ee Degmadaasi.

Warbixintaan waxaa inoo soo jeedineeysa:- Maryama Sheikh Cabdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here