Dadka ku nool Tuulada Xaansholeey oo cabsi kaqaba daadadkii ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle in ay baabi,iyaan dalagyada beeraha Ku yaalla Tuuladaasi.

0
147

Tuulada xaanshooleey oo kamid ah tuulooyinka hoos yimaada Magaalada  jowhar Qiyaastiina 5km ka jirta Magaalada dhinaca waqooyi Galbeed ayey jareen Fatahaadaha Wabiga Shabeelle  wadada laamiga ah ee Marta Tuuladaasi Waxaana soo kordhaya qasaaraha iyo  biyaha fatahaadaha ah ee uu  wabiga shabeelle ka  wado  tuulooyin hoosyimaada Jowhar iyo Mahadaay gobolka shabeellaha dhexe waxaana ay saameeyeen qaar kamid ah dalagyadii ku beernaa tuulada xaanshooleey oo hoos timaada jowhar .

Dadka kunool Tuuladaasi ayaa ku tiirsan  waxsoosaarka dalagyada beeraha kasoo baxa iyo Dhaqashada Xoolaha inkastoo  aysan galin tuulada xaanshooleey Biyaha Hadana dadka ayaa walwal ka qaba in ay Biyaha Gudaha u galaan Tuulada.

Waxaa Warbixintaan inoo diyaarisay:- Maryama Sheikh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here