Inta badan Odayaasha dhaqanka waxay dhalinyarada ku eedeeyaan inay talada gacanta ugu jirto odayaasha oo aysan waxba u ogoleeyn Dhalinyarada balse waxaa taa beeniyay qaar ka mid ah Ururada dhaqanka ee dubab balaas oo ay ka mid yihiin haween, dhalainyaro gabadho iyo wiilal isugu jiro.
Nuur Maxamed Geedi wuxuu ka mid yahay odayaasha dhaqanka gobolka wuxuuna u sheegay inay dhaliyada ahayan qabiil iyo koox koox balse ay yihiin mustaqbalkii bari hagi lahaa Bulshada Gobolka Waxaana taa u dheer aqoonta iyo ka qeybgalka nabadeeynta iyadoo kuwa yar ee isticmaala muqaadaraadka ay hagi karaan kuwa wax bartay hadii odayaasha ay ka dhabeeyaan sida uu shegay nabadoonka una arkaan jiilalka cusub ee mustaqbalkii bari la wareegi lahaa talada Dalka.
Waxaa Warbixintaan inoo soo diyaarisay Maryama Sheikh Cabdi.