Qaar kamid ah Haweenka Jowhar oo Sheegay in uu saameeyn xoogan ku yeesha Covid19 Ganacsigooda.

0
154

Jowhar(Idaacadda Isnaay)Boqolaal haween ah oo ka ganacsan jiray iibinta qaadka ayaa qarka u saran in guryahii kirada aha aee ay deganaayeen laga saaro ku dhawaad Sadix bil kadib markii la joojiyay qaadka corona virus dartii.

Haweenkan oo isugu jira kuwo qaadku usoo dego,qaar dhexdheaad ah ,kuwa  ka faashleeya iyo caruurta garaabada waxka ka raadisa ayaa haatan guri joog iyo shaqao la,aan soo food saartay iyadoo  qaarkood laga saaray guryahii ay deganaayeen waxaana ciirsi u noqday dad qaraabada ah madaama aysan xilligan  iska bixin Karin kirad guriga.

Haweenka qaar ayaa ka biili jiray qoysas agoon ah iyo kuwa ay kala tageen aabbihii dhalay caruurta   .kuwa danyar balse hadda guri joog noqday

Deeqo abuukar qoorgaab waa mid ka mid ah haweenka qaadka iibin jiray waxay raadiayah aisnaay u sheegtay sida xaalku yahay.

Mahan deeqo oo kaliya haweenka ku tiirsanaa dhaqaalaha kasoo galo  qaadka waxaana jira boqolaal haween iyo carruur kasoo saran jiray nolol maalmeedka qoysaskooda

Faadumo xaaji abuukar waxay ka mid tahay haweenka carruurta ka biili jiray madaama ay kala tageen aabbaha caruurta dhalay waxayna hadda dulsaar ku tahay gabar ay qaaraabo yihiin gurigeeda madaama ay bixin weyday kirada gurii ay degeneyd.

Sodonkii sano ee ugu danbeeyay waxa areeraha dhabarka u xirtay hooyada soomaaliyeed kuwaas oo ka shaqeeya suuqyada magaalooyinka ,waxayna la qabsadeen hawenka raadinta nolol maaleedka qoysaskooda.

Waxaa inoo soo Diyaariyay:-Maryamo Sheikh Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here