Warbixin kusaabsan Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlada Goboleedka Hirshabelle

0
138

Jowhar(Idaacadda Isnaay)Jowhar waa caasimada maamulka hirshabeelle kasokowna waxay xarun u tahay degmooyinka gobolkani shabeellaha dhexe waxay 90 km qiyaastii dhinaca waqooyi ka xigtaa magaalada muqdisho.

Magaaladaan waxay soo martay marxalado kala duwan haba ugu badnaatee dhinaca wax barashada oo ay ahayd mid aan sidaas uga hormarsaneyn wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka.

Balse hada jowhar waxay si mugleh uga soo kabaneysaa dhibaatooyinkaas waayo waxaa magaalada ka howlgala ku dhawaad 10 iskuul oo isugu jira hoose dhexe iyo sare waxaana sido kale xarumo ku leh sedex jaamacadood kuwaas oo ardayda u suura galiyay in ay magaaladooda ku qaataan Heerka koobaad iyo kan labaad ee jaamacadda.

Macalimiinta wax ka dhiga iskuulada magaalada jowhar ayaa juhdi badan galiyay sidii aysan goobta uga bixi lahayn doorka waxbarasho ee ubadka soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa magaalada jowhar.

Axmed cabdi maxamuud axmed jiis waa maamulaha dugsiga hoose dhexe iyo sare ee sheikh Xasan Barsane Ee magaalada jowhar waxa uu sharaxaya marxaladaha waxbarasho ee burburkii ka hor iyo waxa hada ladareemayo.

Mudo kooban ka hor waxaa dugsiyada waxbarasho ee magaalada jowhar ku badnaa wiilasha balse hada waxaa ladareemayaa isbadal dhinaca wax barashada gabdhaha ah waxaana fasalada qaar ay yihiin kuwo ay gabdhaha ku badan yihiin. Axmed cabdi maxamuud axmed jiis markale ha inooga warbixiyo arintaas.

c/qaadir cabdi raxmaan ibraahim xaajiga waa arday dhameeyay dugsiga sare toban sano ka hor xiligaas oo aysan magaaladu ku oolin wax jaamacado ah waxaana caruurta ay reerkoodu ladan yihiin kaliya ay ahaayeen kuwo jaamacadaha u doonta muqdisho iyo dalalka caalamka hadase waxaa c/qaadir u suura gashay inuu bilaabo jaamacadda maadaama ay magaalada ka howlgalayaan sedex jaamacadood.

Muraalka ardayda soomaaliyeed ee waxbaratay ayaa hada waxaa dhisaaya ganacsiyada iyo xafiisyada dowlada oo ay ka helaayaan shaqooyin ay ku dabaraan nolasha qoyskooda waxaana dowlada soomaaliya ay soo saartay manhaj mideysan oo ay ka qeybisay dhamaan gobolada dalka si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka.

Waxaa Warbixintaan inoo soo jeedinaya:-Osman Abdalla Osman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here