Jadon Sancho oo Loo Sheegay In Uu Iska Diido Man United Kuna Biiro Liverpool.

0
156

Jowhar(Radio Isnaay)-Daafacii hore ee Kooxda Liverpool Glen Johnson ayaa sheegay in uu Jadon Sancho ku fiicanyahay in uu ku biiro Liverpool halkii uu ku biiri lahaa Man United.

“Sancho waxa lala xidhiidhinayaa dhamaan kooxaha ugu waaweyn reer yurub, aniga ahaan shaki la’aan aad ayay u adagtahay in uu iska diido Liverpool hadii ay dalbato”ayuu Johnson yihi.

“Waxa aan ogahay waxa ay xiddig walba oo da’yar ah oo England ah ula macno tahay in loo xidho maaliyada Liverpool lagana ciyaarsiiyo Anfield, waa riyada xiddig walba”.

“Haatan waxa ay haystaan mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka waana Jurgen Klopp, waa koox ku guulaystay champions league, haatan waxa ay ku guulaysanayaan Premier League sidaas darteed way adkaan doontaa in uu Sancho iska diido Liverpool”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here