Waa sidee Saameeynta cudurka covi-19 uu ku yeeshay dadka danyarta iyo kuwa naafadda ee ku nool Magaalada jowhar

0
150

Jowhar(Idaacadda Isnaay)Dadka ku dhaqan gobalka sh/dhexe ayaa ubadan beeraleey , xoolodhaqato, muruqmaal iyo kuwa lixaadka la,  ee ku tiirsanaa afurinta dadka muxsiniinta ah ee jooga gudaha dalka iyo dibaddaba Xanuunka Covid-19 Wuxuu saameeyn ku yeeshay boqolaal dadweyne oo dhaqaalle ka soo gali jiray meelo kala duwan.

Sacdiyo muuse waa mid ka mid ah hooyooyinka ku dhaqan jowhar waxaa u jooga 5 carruur ah oo dugsi iyo iskuul dhiganayay inta uusan cudurku Korona soo galin wadanka  waxaana Qarashaadka ku baxa caruurtaasi ay kaheli jirtay dad ku nool dalka dibadiisa waxaana haatan mudo laba bilood ah laga rabaa in ay bixiso qarashaadkii schoolka waxaana  ay ka walwalsan thay lacagta feega iyo fidrada laga rabo.

Sidoo kale  Waxaana jirta dad naafo ah oo bisha barakeysan ee ramadaan ay afurin jireen muxsiniin dibadda iyo dalka ku nool  lkin hadda wixii oo dhan waa la waayay axmed maxamed xasan oo ka mid ah naafada degmada jowhar ayaa sharxaya saameeynta uu ku yeeshay dadka naafadda ah

Maahan axmed oo kaliya ee waxaa jirta boqolaal aragga iyo lixaadka la,a oo curdurka saameyn ugu yeesha xagga nolosha qoysaskooda.

Magaalada jowhar oo xarun u,ah hirshabeelle ayaa ah meelaha ugu badan oo uu saameeyay cudurka corona virus sida uu sheegay wasiirka caafimaadka hirshabeelle cabdi macallin maxamed

Marka laga sootago dadka u geeriyooday  hadana waxaa jirta dad badan oo cudurku hayo balse aanan raacin talooyinka caafimaadka iyo inaay tagaan goobaha caafimaadaka ee ay sameeysay wasaaarada caafimaadka hirshabelle.

Maryan Shiikh Cabdi ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here